Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa oo ka dhacay agagaarka garoonka Baardheere lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta qaraxa lala eegtay aysan waxyeelo kasoo gaarin miinada loo dhigay, kuwaas oo la sheegay inay sii wateen socdaalkooda.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Baardheere oo ku aadan qaraxaasi.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this