Sign in to follow this  
Deeq A.

Sayid Aadan oo Kismaanyo ku qaabilay wafdi ka socda QM + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA WFP iyo kuwo kale.

Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Jubaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo Xaalada kale ee bini’aadantinimo taas oo ay qeyb ka tahay sidii loo abuuri lahaa qorshe waara oo lagaga hortagayo Xaaladaha noocan oo kale ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay ayaxa ku habsaday qeybo badan oo Jubaland kamid ah iyagoo balan qaaday in ay Jubbaland ka tageeri doonan sidii dhibaataas ay uga soo kaban lahayeen beeraleeyda iyo xoolaleeyda deegaanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

163620630_2009556745851883_670125733682542914_n 163340452_2009556625851895_8650310713749402931_n163345110_2009556635851894_7107770215603167303_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this