Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM & Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Miir-taqwa, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday labo ka mid ah ciidamada AMISOM.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka ka horreeyey intaba.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this