Deeq A. Posted March 22, 2021 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni oo lagu balamay in lagu qabto shirka dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa iyaguna jooga ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Duqa Muqdisho. Dhinacyadan ayaa yeeshay kulan hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020-kii. Sidoo kale waxaa xusid mudan in shirka ay ka maqan yihiin labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo diidan ka qeyb-galka shirkan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites