Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan ay ka maqnaayeen A/Madoobe & Deni oo ka dhacay Afisyooni + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, madaxda maamul goboleedyada dalka ee taabacsan & guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu maanta ka dhacayo shir looga hadlayo is mari-waaga doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirku ka dhacayo aysan weli tegin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xeyndaabka Xalane, kuwaas oo si weyn  uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan horudhac ah oo ka dhacay Afisyooni, kaas oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid horudhac u ah shirka maanta ka dhacaya Afisyooni ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana looga arrinsanayo doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid isha lagu wada hayo ayaa waxaa amnigiisa sugayo ciidamada AMISOM oo damaanad qaaday, maadaama uu jiro kala shaki weyn.

Si kastaba shirkan ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada dalka.

163601746_777330496236923_36055993819580 163527902_777330519570254_71747785518047 162977146_777330449570261_52061912618847 164138732_777330476236925_22979796158992164340905_3870386293045820_2881904592163

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this