Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo si buuxda u dammaanad-qaadday Amniga Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay Amniga Goobta lagu qaban doono Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Francisco Madiera ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin Amniga xarunta AFISYOONI ee Shirka lagu qabanayo.

Ambassador Madiera ayaa caddeeyay in AMISOM ay dammaanad-qaad ka yihiin Xaqiijinta Amniga xarunta AFISYOONI Shirka ka hor iyo kadib, islamarkaana la dhammaystiray Shaqadii Guddiga Amniga u qaabilsan Shirka.

Wuxu sheegay in AMISOM ay dhammaan dhinacyada kala shaqaynayso in Shirka AFISYOONI ku qabsoomo hannaan xasiloon iyo jawi ammaan ah oo lagu kalsoonyahay.

3.jpeg?resize=956%2C1062&ssl=1

PUNTLAND POST

The post AMISOM oo si buuxda u dammaanad-qaadday Amniga Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this