Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa sababay in Ciidamadii ugu badnaa oo Maraykan ah ay caawa kasoo Degaan Muqdisho 30 sano kadib

Recommended Posts

Deeq A.   

Caawa makhrisbkii waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo xiray Ciidamo Maraykan ah oo lagoo soo daabulay Bali dooglay iyo Markab Dagaal oo Xeebaha Soomaaliya jooga, Mudo laba saac ah ayaa Garoonka gabi ahaan Xiraa oo ay Ciidamadaan soo degayeen, sida ay Puntlandi.com u Xaqiijiyeen Dhaqaalaha Garoonku.

Ciidamada waxaa wheheliya Ciidamo Soomaali ah oo ka Amar qaata Maraykanka oo laga keenay Bali Dooglay halka Ciidamo Marines ka Maraykanka ah ay kasoo duuleen Markab Dagaal oo Bada yaal kuwasoo dhowrjeer kusoo degay Helikobtarada waaweyn.

Arintaan wuxuu muujinayaa in Beesha Caalamku ay hada ku baraarugeen in Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey ay ka go’antahay inuu awood Ciidan isku dayayo inuu Xukunka kusii joogo, Mucaaradka ayaa dhowrjeer ka digay arintaan balse Beesha Caalamku waxay baraarugeen kadib markii Villa Soomaaliya ay shalay makhribkii Ciidamo soo dhoobtay meel aan ka fogayn Goobta Shirku ka dhici lahaa.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka wuxuu la hadlay Ergayga Gaarka ah isagoo uga digay in aan la dhayalsan Xaalada hada taagan wuxuuna Deni uu Beesha Caalamku ku canaantay inay iska indha tirayaan khatarta kasoo socota damaca Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey.

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Isaguna saaka la hadlay Safiirka Maraykanka wuxuuna uga digay in ay Ciidamada La adeegsanayo ay abuuri doonaan Dagaal ka qarxa Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha.

Beesha Caalamku waxay caawa kulan la qaateen Masuuliyiin ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha iyo kan Madaxweynaha kulankaas ka dhacay Xalane wuxuu ku saabsanaa Amaanka Shirka, Xogta aan helnay, Villa Soomaaliya waxay Dalbadeen in Shirka ay faraha kala baxaan Beesha Caalamka loona daayo Soomaalida dhexdeeda, Laakiin Arinkaas waa laga diidey waxaana aakhirkii la isla meel dhigay in Amaanka Shirka ay gacanta ku hayaan Amisom, Madaxda Soomaalidana aysan Ciidan iyo hub toona lasoo gali karin Afisyooni. Villa Soomaaliya Way aqbaleen soo jeedintaas.

Xaalada Magaalada Muqdisho iyo gabi ahaan Xaalada Xalane ayaa hada isbadashay, Ciidamada Maraykanka ee Caawa kasoo degay Magaalada waxay muujinaysaa in Amnaakii uu faraha ka baxay Dalkuna uu dib ugu noqdey 12 Sano kahor meeshii la joogay.

Puntlandi.com Muqdisho

2DBB91FA-8BC9-4606-9674-703D41629D94.jpe

The post Maxaa sababay in Ciidamadii ugu badnaa oo Maraykan ah ay caawa kasoo Degaan Muqdisho 30 sano kadib appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this