Sign in to follow this  
Deeq A.

Iimaamka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay Talaalka Covid-19 & Maalmaha Soonka,Inuu Soonka jebinaayo & Inkale haddaad is durto  adoo sooman

Recommended Posts

Deeq A.   
Iimaamka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay Talaalka Covid-19 & waxa diintu ka qabto Maalmaha Soonka,Inuu Soonka jebinaayo & Inkale haddii laysku dur  adoo sooman
email sharing button

 2021320637518495861945603.jpg

Sheekh Cabdiraxmaan Bin C/casiis Bin C/llaahi Al-sudeysi ayaa shaaca ka qaaday in talaalka COVID 19 maalmaha bisha barakeysan ee Ramadaan la isku duri karo Soonkana uusan ka jabeynin qofka hadii uu qaato talaalka isagoo Sooman.

Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah madaxa labada Masaajid ee Xarameynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul Munawara ayaa sheegay in talaaalka COVID 19 uusan ka mid aheyn waxyaabaha buriya Soonka iyo gudashada waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa shaki weyn ka muujinayay waxa aay diinta islaamka ka qabto talaalkan iyo in la isku duri karo maalmaha bisha Ramadaan, kuwaas oo si weyn uga walwal sanaa inuu talaalka ka burin karo Soonka.

Hadalka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi ayaa kusoo beegmaya xili bisha barakeysan ee Ramadaan aay inaga xigto maalmo kooban oo aay dadka Muslimiinta ahna u diyaar garoobayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this