Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog- Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku khasbay inuu cadeeyo Warqadii uu Xalay soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xalay saqdhexe wuxuu Madaxweyne Farmaajo soo daaray waraaq uu ku casumayo Shir cusub Madaxda Maamul Goboleedyada, Xili ay Beesha Caalamka iyo Madaxweynuhu ay isku ogaayeen inuu kasoo qayb galo Shirka Afisyooni ka dhici doona.

Warqadaas waxaa durba ka jawaabay Puntland oo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa Qoraal kooban wuxuu saaka ku sheegay in Ay jawaab ka bixinayaan Waraaqaha marin habaabiska ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey.

Hadaba Xog ay hayaan Puntlandi.com Beesha Caalamka ayaa qudhoodu ka xumaadey Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya, waxayna qudhoodu ku Jaha wareereen Shirka Madaxweynuhu ku baaqay oo aysan xitaa ku cadeyn meesha uu ka dhacayo.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo ay gadaal kasoo riixeen qaar kamida Beesha Caalamka iyo Puntland ayaa dalbadey in baaritaan lagu sameeyo ujeedka waraaqda kasoo Baxdey Villa Soomaaliya Xalay goor dambe, James Swan wuxuu saaka Teleefoon kula hadlay Madaxweyne Farmaajo wuxuuna ka dalbadey in uu cadeeyo waxa uu yahay Shirka uu ku baaqayo.

Waa sababta keentay in Wasiir Dube uu hadlo, Hadalka Wasiirku wuxuu jawaab u ahaa Dalabkii Beesha Caalamka oo ahaa in Villa Soomaaliya ay cadeyso Shirka ay ka dhawaajiyeen, Wasiir Dube wuxuu sheegay in Shirka Madaxweynuhu ku yaboohay uu yahay kan Afisyooni,

Shirka Afisyooni ka dhacaya waxaa horay ugu yaboohay Beesha Caalamka , iyagaana Casumaada diray, Jubbaland iyo Puntland waxay ku yimaadeen Casumaada Beesha Caalamka.

Dhinaca kalena Puntland oo ka jawaabi lahayd hadalka Xalay goor dambe kasoo yeeray Villa Soomaaliya, Way lalaabteen Jawaabtii ay bixin lahaayeen Maadaama Beesha Caalamku ay jawaab kulul siisay Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com Muqdisho

23CA5802-5568-4267-9674-5D302E4A480C-800

The post Xog- Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku khasbay inuu cadeeyo Warqadii uu Xalay soo saaray appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this