Deeq A. Posted March 20, 2021 (SLT-Riyadh)-Millatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay maanta soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca Drone-ka oo la doonayey in lagu duqeeyo magaalada Khamis Mushait oo ku taalla Koonfur-galbeed waddanka Sacuudiga. Magaalada Khamis Mushait ayaa waxaa ku yaalla saldhiga ciidammada cirka ee Sacuudiga ee loo yaqaan, King Khalid Air Base. Weerarkan ayaa lagu eedeeyey kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalameysa dalka Yemen. Jimcihii shalay ayay sidan oo kale Xuuthiyiinta duqeyn la beegsadeen warshad shidaalka oo ku taalla caasimada Riyadh halkaasi oo uu dab ka dhashay. Bilowgii bishan March ayaa sidoo kale la duqeeyey kaydka shidaalka ee ku yaalla maagalada Ras Tanura bariga wadanka Sacuudiga. Source Share this post Link to post Share on other sites