Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad Abaareed oo ka Taagan deegaanka Bacaadweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Bacaadweyne oo mudooyinkii u danbeeyayba ay ka jireen colaado  sokeeya iyo dagaalo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyada argagixisada al shabaab, oo halkaasi jab xoogan kala kulmay ayaa haatan waxaa ka jira dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha taas oo saameeyn ku yeelatay nolasha kumanaan qoys oo halkaasi ku noolaa kadib markii abaaro iyo biyo yari ay soo foodsaaraty.

Dadka Bacaadweyne ku nool ayaa sheegaya in degaanka aanu helin wax gurmad ah looga qeyb qaadanayo wax ka qabshada dhibaatada nolaleed ee halkaasi ka taagan.

Caseyr Axmed Yuusuf  oo mar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kumanaan qoys ay isaga barakaceen, isla markaana deegaanka bacaadweyne iyo Tuulooyinka hoostaga ay ka jirto xaalado adag oo bini aadanimo

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this