Deeq A. Posted March 20, 2021 (SLT-Sanaag)-Laba qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya deegaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa ii sheegay in laba dhinac ee dagaalamaya ay kala qabsadeen toban qof. Dadka ku dhaawacmay dagaalka oo saaka laga soo qaaday deegaanka ayaan wali soo gaadhin cisbitaalka guud ee Ceerigaabo. Hal gaadhi ayaa lagu gubay dagaalkan oo soconaya saaka ilaa hadda. Dhinacyada dagaalamaya oo laba beelood oo Shidan wada dega ah ayaa saddex todobaad ka hor ku dagaalamay halkaasi. Inkasta oo aan wax khasaare ah ka dhalan dagaalka hore. Suxufiyiin ku sugan Ceerigaabo ayaa sheegaya in deegaanku 120KM waqooyi ka xigo Ceerigaabo oo aanay ilaa hada ogeyn gurmad gaadhay goobta lagu dagaalamayo. Source Share this post Link to post Share on other sites