Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo war cusub kasoo saartay dacwadda badda ee maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya ayaa dooneysaa in dacwadda muranka badda ee kala dhexeysa Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal isla markaana kiiska la gala noqdo maxkamadda caddaalladda adduunka, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya aya sidoo kale lagu xusay in Kenya ay gaartay go’aanka ah in aysan dhageysiga ka qeyb galin islamarkana ay wali rumaysan tahay in kiiskan maxkamadda laga soo celiyo laguna xaliyo wadaxaajood labada dhinac ay yeeshaan.

“Kenya waxay gaartay go’aanka ah in aanay ka qeybgelin dhageysiga dacwadda isla markaana waxay ku aamin qabtaa in kiiska la gala noqdo maxkamadda si loogu xalliyo qaab wadaxaajood ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan isaga baxday dacwadda badda, waxay ku eedeysay maxkamadda inaysan dhexdhexaad ka ahayn dacwaddan oo khuseysa aag badeedka lagu mursan yahay oo dhan 62,000 mayl oo laba jibaaran oo badweynta Hindiya ah. Waxaa la aaminsan yahay nay ceegaagaan gaas iyo saliidd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this