Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta saldhigga garoonka loo hoos geeyey taliska qeybta guud?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax banaan.

Warqad kasoo baxday taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeyey saldhigga garoonka uu ka mid noqon doonto saldhigyada Booliska ee obolka Banaadir.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista saldhigga garoonka uu leeyahay taliska Booliska gobolka Banaadir.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this