Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu abaabul dagaal ka wado Gedo oo abaar daran ka jirto

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 1-15.jpg?resize=720%2C450&ssl=1Biyo la’aanta gobolka Gedo

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay abaabul dagaal, oo sida ay sheegtay Madaxweyne Farmaajo ka wado Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka jirto xaalad banii’aadanimo oo ka dhalatay Abaarta.

Jubaland waxay sheegtay in Dowladda Federaalku ay shalay hub iyo gaadiid dagaal ku daabushay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, xilli Shacabka ku nool Gobolkaas ay la il-daran yihiin abaar iyo biya la’aan daran.

  • FB_IMG_16162278436255832.jpg?resize=720%DFS ayaa shalay ciidan iyo gaadiid ka dejisay Gedo

Jubaland ayaa caddaysay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka noqon doono wixii ka dhasha abaabulka ciidan ee uu ka wado Gobolka Gedo.

Ugu dambayntii, waxay sheegtay in baaq kasta oo colaad lagu joojin karay ay Jubaland hore u jeedisay balse laga qaadan waayay.

Jubaland.jpg?resize=742%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu abaabul dagaal ka wado Gedo oo abaar daran ka jirto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this