Sign in to follow this  
Deeq A.

Caafimaadka Biden Oo Laga Shakiyay Kadib Markii Uu Ku Dul Kufay Diyaarad Uu Raacayay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku turunturooday dhowr jeer ka dibna wuxuu u dhacay jilbaha markii uu fuulay jaranjarada diyaarada Air Force One jimcihii shalay, iyadoo walaac laga muujinayay caafimaadkiisa.

Biden oo 78 jir ah ayaa diyaaradda ka raacayay Joint Base Andrews wax yar ka hor duhurkii isagoo u duulayay Atlanta markii uu turunturooday. Wuxuu qabtay birta, wuu istaagay wuuna iska sii watay fuulista diyaarada, laakiin mar labaad iyo mar saddexaadna wuu turaanturooday,balse ugu dambeyntii gudaha ayuu u galay diyaaradda.

Hase ahaatee markii uu ka degay Atlanta, Madaxweyne Biden wuxuu iska saarnaa diyaarada illaa ay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kamala Harris – oo si gooni ah u duulay AF2 – ay kula soo biirtay diyaaradda.

Balse Aqalka Cad ayaa sheegay inuu ahaa kulankooda ka doodista ajandahooda maalintaas.

Warbixinta Aqalka Cad waxaa soo saaray weriyeyaasha la safraya Biden ilbiriqsiyo gudahood dhicitaankii laakiin si weyn ugama hadlin shabakadaha waaweyn ee wararka illaa 30 daqiiqo kadib markii ay dhacday waxaana laga waayey bogagga shabakadaha waaweyn ee waaweyn.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ah 78 jir isagoo noqday Madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee abid qabtay xilka madaxtanimada dalka Maraykanka.

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this