Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Puntland oo xabsiga dhigtay in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinayo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
two-3.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay in ka badan 20 dhalinyaro ah, oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in dadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro u dhashay degaanka, oo ka soo laabtay Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah dadka wareejiya Ganacsiga yar yar, waxaana gebi ahaanba Gobolka laga mamnuucay Ganacsiga noocaas ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in haatan baaritaan ku socdo tuhmanayaasha lagu qabtay Gaalkacyo, kuwaas oo aysan weli ku caddayn, haddii ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Puntland oo xabsiga dhigtay in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinayo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this