Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo baaq u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykank ayaa sheegtay in ay aad uga waalacsan yihiin jahwareerka ku gedaaman doorashooyinka la filaayo in ay ka dhacaan Dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu xusay in doorasho la’aan uu dalka galayo xaalad siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu shaaciyay in caqabadaha haatan taagan ay yihiin kuwa wiiqeya horumarka, waddada loo marayo qorshaha deynta cafinta oo dhameystiran iyo dagaalka lagula jiro Kooxda Al Shabaab.

Bayaankan ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka in ay ka soo dhalaalaan mas’uuliyadda ka saaran Shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka dalbaday Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada in ay ogolaadaan in doorasho xor iyo xalaal ah laga qabto Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa ka codsaday madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka, islamarkaana ay gaaraan heshiis dhab ah oo lagu qaban karo doorasho hufan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this