Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay Hiiraan + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo deegaanka Waradhuumale oo hoostaga  degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu rasaaseeyay gaari rakaab ah oo aay saarnayeen dad shacab ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa noociisu ahaa Leyla Calaawi kaas oo kusii jeeday dhanka magaalada  Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Illaa 5 ruux oo ka mid ahaa rakaabkii sarnaa gaariga oo uu ka mid yahay canug yar oo laba jir ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta lagu furay gaariga rakaabka ahaa, waxaana dhaawacyada dadka masaafurka ahaa ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Guricel ee gobolka galgaduud.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta lagu furay gaariga iyo shacabka saarna balse warar hoose ayaa sheegaya inay la xiriirto aanooyin qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this