Deeq A. Posted March 19, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka. Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga. Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur. Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka. Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas. Share this post Link to post Share on other sites