Deeq A. Posted March 18, 2021 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta hadal ka jeediyay kulankii looga dhawaaqayay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ugu baaqay ciidamada qaranka Soomaaliya in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxda. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamadu kamid yihiin hay’adaha joogtada ah ee qaranka, hadafka ugu weyn ee xiligan horyaalla uu yahay la dagaalanka ururada argagixisada iyo ilaalinta nabadgalyada iyo xisiloonida dadka Soomaaliyeed. Madaxweyanaha Puntland wuxuu tilmaamay in kala aragti duwanaanta siyaasiyiin ay leedahay hannaan loo xaliyo, ciidamadana looga baahan yahay sugida amniga guud iyo in aysan qeyb ka noqon khilaafka siyaasiga ah. Wuxuu ku baaqay in ciidamada qaranka ay u jihaystaan cadowga dalka, taas baddelkeedana aysan ku soo hoos noqon bulshadooda. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha Puntland PUNTLAND POST The post Deni oo fariin u diray ciidamada qaranka Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites