Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirkii guddiga farsamada doorashooyinka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee arrimaha Doorashooyinka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in maanta uu furmay shirkii Guddida Farsamada ee arrimaha Doorashoyinka Qaranka.

Wasiirku waxa xusay in xubnaha guddidu ka doodeen diyaarinta ajandayaasha shirka Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelanayaan dhowaan.

“Shirkan guddida farsamadu wuu furmay, waanu sii soconayaa maalmaha soo socda, waxaan rajaynaynaa in dhowaan ay inoo qabsoonto doorasho hufan oo horumar inoo horseedda”. Ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-8.jpg 2-8.jpg 3-7.jpg

e8a8e740-00c4-48e7-a868-864d209e53ba.jpg b0b0e5a6-60bb-4d22-96b0-15c36c8cbb26.jpg 755feffa-def0-44f0-9f83-52b8080e0f0f.jpg 3fe668a4-76f6-4423-a008-7ff2338b7680.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this