Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo kulan la yeeshay wakiilka QM + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha, si Wasaaradda Maaliyadda ay awood ugu yeelato ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 aan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada wax ku ool ka ah ee fududeynaya ka jawaabidda marxaladaha COVID-19.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Beyle-1.jpg James-Swan.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this