Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jublanad, Puntland iyo musharaxiinta oo ku dhowaaqay gole cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, oo lagu magacaabo ‘Golaha Badbaado Qaran’, kaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo isagu metalaya siyaasiyiinta Waqooyiga.

Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan, sida ay sheegen.

Waxaa hogaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka.

Golahaan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaarka.

Arrintaan ayaa imaneysa, ayada oo beesha caalamka ay dadaal ugu jirtay in miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada isku haya doorashada, waxayna muujineysa tallaabadan maanta inaysan xiligan suurta-gal aheyn in la gaaro heshiis wada-ogol ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this