Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo looga dhawaaqay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Madal.jpg?resize=992%2C640&ssl=1

Hoteel ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa haatan looga dhawaaqay  madal siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin isbaheysi ka kooban Puntland, Jubaland, midowga murashixiinta mucaaradsan Villa Somalia iyo sidoo kale midowga siyaasiyiinta waqooyi ee ku sugan Muqdisho.

Isbaheysigan cusub oo la baxay Madasha Badbaado Qaran, waxa ku midaysan siyaasiyiin mucaarad ah oo miisaan culus, kuwaas oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madasha ayaa Guddoomiye u doortay Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaas oo si adag u mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

As’aaska Golahan ayaa ku soo beegmay, xilli aan weli laga heshiin muranka siyaasadeed ee ka aloosan Arrimaha Doorashooyinka dalka, islamarkaana la filayo in dhowaan uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta muranka Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo looga dhawaaqay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this