Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada yaryar ee Gaalkacyo oo ka faa’idaystay Maal-gelinta Qardu Xasan ee Salaam Somali Bank

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank.

Barnaamijka Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Salaam Somali Bank ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ganacsatada lagu wareejiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda.

Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka.

Sida uu sheegay maamulka Bangiga, Barnamijka Qardu Xasanka waa mid loo sameeyay in lagu dhiira-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda.

Maal-gelintan ayaa la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho.

g4 g1 g2 g3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this