Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Jubaland oo qeyb ka ahayn shirka 2aad ee guddiga farsamada

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210318_140633761.jpg?resiXirsi Gaani (bidix) iyo Maxame Dhabancad (midig)

Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn shirka wajigii 2aad ee guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maanta ka furmay hotelka Decala ee Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Muqdisho” ayaa bartiisa Twitterka ku qoray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ah wafdiga madaxweyne Deni ee ku sugan Muqdisho.

“Jubaland qayb kama ahan kamana war hayso wax shir ah oo u furmay guddi farsamo oo horudhac u ah shir ka dambeeya” ayuu isna Twitter-kiisa ku qoray Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Gaani.

FB_IMG_16160652131705608.jpg?resize=720%Shirka Muqdisho ka furmay ee ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland

Shirka hotel Decale uga furmay qaar kamid ah guddiga farsamada ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay shirka la filayo in ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda federaalka, dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir, kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay.

Guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka kooban 14 xubnood ayaa bishii Febraayo wajigii 1aad ee shirkan ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Waxaana markii uu dhamaaday shrikaasi war ay soo saareen guddigu ku sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan qoddobadii khilaafku ka taagnaa, iyagoo intaas ku daray in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

Balse madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qodobadaas saxiixin, iyadoo welina uu taagan yahay khilaaf adag.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Jubaland oo qeyb ka ahayn shirka 2aad ee guddiga farsamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this