Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan “ Shirku wuxuu ka dhacayaa Afisyooni, Amaankiisans Amisom ayaa qaabilsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa shaaca ka qaadey In qabanqaabada Shirka looga hadlayo Arimaha Doorashada ay uu isagu gacanta ku hayo isagoo dhanka Amaanka la kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho jooga.

James Swan isagoo ka hadlaya Qaban qaabada Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Ee Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayuu sheegay in Dhaqaalaha ku baxaya Shirka ay Beesha Caalamku Diyaariyeen Amaankana ay sugayaan Ciidamada Amisom.

Wuxuu kaloo sheegay inay uu aad ugu rajo weyn yahay in guul uu ku dhamaado Kulanku.

Shirka oo qabsoomi lahaa Todobaadkii hore ayaa waxaa furitaankiisa hor taagnaa Dowlada Federaalka oo doonaysay in Shirka lagu qabto Villa Soomaaliya laakiin waxaa taas diidan Jubbaland iyo Puntland Amaanka awgeed.

Puntlandi.com Muqdisho

4841D357-123C-4502-91F1-7E7E3B6E1085-800James Christopher Swan United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia

The post James Swan “ Shirku wuxuu ka dhacayaa Afisyooni, Amaankiisans Amisom ayaa qaabilsan appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this