Deeq A. Posted March 18, 2021 Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka AMISO. Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi. Uganda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka. Sidoo kale ciidamada ay soo direyso dowladda Uganda ayaa waxa ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay muddo xileedkooda. Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites