Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Xiish

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Jubaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Axmed Madoobe ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska iyo  guud ahaan reer Jubaland.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this