Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukuno kala duwan ku ridday doonyo lagu qabtay kaluumaysi sharci-darro ah

Recommended Posts

Deeq A.   
jariifka.jpg?resize=664%2C343&ssl=1

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo lagu helay, in ay si sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Lix doonyood oo laga leeyahay waddanka Yemen, ayaa maxkamaddu ku ridday ganaax dhan min $ 7 kun oo Dollar, kadib markii lagu caddeeyay in ay si sharciga ka baxsan uga jillaabanayeen xeebaha Bari iyo Sanaag.

Laba doonyood oo Soomaali leedahay ayaa sidoo kale lagu xukumay lacag dhan min $ 4 kun oo ganaax ah, maadaama ay sharci-darro uga kalluumeysanayeen xeebaha Puntland, balse ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dhammaan kalluunka saaran doonyaha la xukumay, ayaa maxkamaddu go’aamisay in dowladdu la wareegto, sida waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay dib u dhigtay kiiska laba doonyood oo kale, kuwaas oo weli baaritaan ku socdo, sida laga soo xigtay garsooraha maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xukuno kala duwan ku ridday doonyo lagu qabtay kaluumaysi sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this