Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqtiga Lasoo Gaba-gabeynayo Dhageysiga Dacwadda Badda Oo La Shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Maxkamadda Cadaalada adduunka ee ICJ ayaa shaacisay waqtiga ugu dambeeya ee la dhageysan doono dacwadda muranka badda ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socotay Maxkamadda.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay Go’aan ku gaadhay in Dacwadda ugu dambeysa ee badda dhageysan doonto maalinta barri oo khamiis ah.

“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya” ayuu yidhi Mahdi Guuleed oo hoggaaminayo wafdiga Soomaaliya u dirtay Magaalada Hague.

Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u diiday Codsi uga yimid dowladda Kenya oo ku aadan in markii 4-aad dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda Badda oo muranka gelisay, iyadoona diiday ka qeyb galka dhageysiga Dacwadda.

Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada ayaa waxaa ay sheegeen in Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this