Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada ICJ oo maalinta berri ah dhegaysan doonta Gunaanadka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
ICJ.jpg?resize=1000%2C635&ssl=1

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay diiday codsigii dowladda Kenya, oo ahaa in ay dib ugu soo laabato dhegaysiga dacwadda.

Mahdi Guuleed, ayaa xaqiijiyay in Maxkamadda ICJ ay berri Galab oo Khamiis ah dhegaysan doonto Gunaanadka dacwadda badda Soomaaliya, islamarkaana ay diiday codsiga uga yimid mas’uuliyiinta Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa berri galab 3:00PM dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda badda Soomaaliya. Ka dib markii ay diiday maxkamaddu codsigii Kenya ee ahaa inay dib ugu soo laabto dhagaysiga dacwadda.”

Maxkamadda Caddaaladda ICJ, ayaa la filayaa in ay ugu dambayn si rasmiya go’aan uga gaarto dacwadda kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada ICJ oo maalinta berri ah dhegaysan doonta Gunaanadka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this