Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News—Madaxweyne Deni oo amray in Talaalka Covid19 lagu bilaabo shaqaalaha Caafimaadka, Dadka waayeelka iyo Dadka Jiran ee aan xamilikarin Covid19

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta waxaa Puntland soo gaaray shixnadii ugu horaysay oo Ah Talaalka Oxford AstraZeneca ee Ka hortaga Xanuunka Corona, Shixnadaasii ka kooban 40,000 Talaal.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa goordhaweyd Amar ku bixiyay in Talaalka la ilaaliyo Laguna bilaabo Dhamaan dhaqaalaha Caafimaadka, Dadka waayeelka ah iyo Dadka aan xamilikarin Cudurka Coranaha, Da’duu doono ha jiree.

Maamulaan ayaa ka dhigan in sicadaalad ah loo qaybiyo Talaalka, waxaa kalo Amarka Madaxweynaha ka mid ah in Dhaqaalaha kale ee Dowlada, Masuuliyiinta sarsare iyo Dadka Saameynta leh ay sugaan tookadooda ayna la simannyihiin Shacabka caadiga ah,

Puntlandi.com ayaa kasoo xigtay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, in Madaxweyne Deni uu codsadey in Talaalka la maanta soo gaaray Garowe lawada gaarsiiyo Guud ahaan Puntland si Shaqaalaha Caafimaadka ee Safka hore ugu jira la dagaalanka Corona Virus ay iyagu u helaan Talaalka kowaad.

Hay’ada WFP Diyaarad ay leedahay ayaa Talaalka lagu keenay maanta, Soomaaliland ayaa iyana la geeyay Talaalka ay qoondada u heleen, dhowaan waxaa la sugayaa shixnadii labaad inay soo gaarto Garowe.

Sawiradaan hoose waa imaatinkii Oxford AstraZeneca ee Garowe

Puntlandi.com

FDD7413E-0ACA-4F07-8D3C-54B8BB64BACA-746 287D81F5-BAFE-4B61-98DE-2FCAA6933675-792 8858A4B0-1521-4EA7-BDF0-2910211D2A28-750 EE19BCE6-D24B-4B6A-98DD-5881A0B66176-758

The post Breaking News—Madaxweyne Deni oo amray in Talaalka Covid19 lagu bilaabo shaqaalaha Caafimaadka, Dadka waayeelka iyo Dadka Jiran ee aan xamilikarin Covid19 appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this