Deeq A. Posted March 15, 2021 Dowlada Kenya waxay ay Maxkamada Aduunka uga carartay Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo horay u ahaan jiray Gudoomiyaha Maxkamada Aduunka ee Den Haag hadana ah mid kamida Garsoorayaasha Maxkamada. Sharuudaha ay Kenya ku xirtay Maxkamada Aduunka ee ay ka socdo Dacwada iyaga iyo Soomaaliya u dhexaysa ayay sheegeen iney kusoo laabanayaan Maxkamada hadii uu iscasilo Cabdulqawi ama shaqada laga qaado. Sida Muuqata Garyaqaankaan Soomaaliyeed ee ka tirsan Maxkamada Aduunka ayay Kenya ka muujiyeen cabsi Xoogan , Laakiin Kenya waxay hilmaameen in Cabdiqawi uu yahay Garsoore Caalami ah oo mudo badan kasoo shaqaynayay Garsoorka Aduunka, Kiisas ka qalafsan kiiskaana soo qabtay. Kenya waxay ka maqnaayeen dhagaysigii Dacwada maanta oo isniin ahaa iyagoo horay u shaaciyey inay ka baxeen Maxkamada, sababaha ay uga baxeena waxaa kamid ahaa Garsoore Cabdulqawi Axmed oo kamida Xaalkimada Maxkamada ee Dacwada dhagaysanaya, Waxayna sheegeen intuu ninkaan Miiska fadhiyo inaysan soo laabanayn. Horaan khaati uga taagnayn Trump oo ilhaan Cumar ka dacwoonaya, maanta ma Kenyaaa bilowdey inay CabdulQawi Axmed Ka dacwooto, wadadii Trump maray ayay Kenya ku socoto. Puntlandi.com The post Kenya “ Ninkaan intuu Maxkamada fadhiyo imaan meyno” appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites