Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210316-004846.jpg?resize=

Waxaa soo gabagaboobay dhageysiga maalinka kowaad ee la xiirsan wareega kowaad ee dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda waxaa ka maqnaa dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, waxayna maxkamaddu diiday codsi uu soo jeediyay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Kenya oo ahaa in uu jeediyo hadal 30 daqiiqo ah oo ku sharaxayo sababta Kenya uga maqantahay Maxkamadda.

Maxkamadda ICJ waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.

Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee Maxkamadda.

Saddex qareen oo ajnebi ah ayaa dooda sharciga ah ee Soomaaliya jeediyay, kuwaas oo soo bandhigay hadallo, dokumenti iyo khariiddad ay qaarkood Kenya leedahay oo qareennadu ay u cuskadeen in ay markhaati ka yihiin in ay Soomaaliya leedahay badda ay Kenya ku doodeyso.

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Saleemaan Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay fadhigii maanta ee Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga maalinka kowaad uu si fiican u gabagaboobay, difaaca baddana uu si wanaagsan u socda.

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in dood afeedkan hadda socda wareegiisa kowaad iyo labaad la rajaynayo in uu noqon doono kii gabagabeyn lahaa dooda badda, kadibna ay maxkamaddu u diri doonto xukun.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this