Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadamo badan oo hakad galiyay Talaalka Covid19 ee AstraZeneca

Recommended Posts

Deeq A.   

Talaalka ay soo saartay Shirkada ugu wayn Dawooyinka Caalamka ee AstraZeneca ayaa Wadamo badan ay isticmaalkeeda joojiyeen ka dib markii Cilido badan oo dhimasho sababay lagala kulmay Dadkii lagu talaalay.

Talaalka AtraZeneca ayaa lagala kulmay Madaxxanuun, elerji iyo Dad uu Madaxa Dhiig ku furay, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay.

Dhowr waddan ayaa joojiyay isticmaalka Talaalkaan, waxaa maanta oo isniin ah joojiyay oo hakad galiyay , Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishku waxayna Wadamada ku dhawaaqeen inay si ku-meelgaar ah u joojinayaan adeegsiga Talaalka AstraZeneca.

AstraZeneca waa Shirkad samaysa Dawooyinka, waxayna kamid tahay Shirkadaha soo saaray Talaalka Covid 19

Shirkada Astra oo Dalka Sweden laga leeyahay iyo Shirkada Zeneca oo Ingiriiska laga leeyahay oo isku darsamay ayaa la baxay Magaca AstraZeneca, waxayna Wadajir ku noqdeen mid kamida Shirkadaha ugu wayn Caalamka Suuqyada Dawooyinka sameeya.

Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa ilaa hada hakad galiyay halka Ingiriiska, Beljam iyo Sweden ay si wadaan isticmaalka Talaalka AstraZeneca.

Talaalkaan ayaa ah nooca hada lagaardiiyo Wadamo badan oo Afrika ah Soomaaliyana kamidka tahay.

Puntlandi.com London

ABBD3D66-8FBB-4CEE-BB12-DFA0EA979124-800

The post Wadamo badan oo hakad galiyay Talaalka Covid19 ee AstraZeneca appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this