Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Talaalka Covid 19 ee Soomaaliya la geeyay oo Wadamo badan ay joojiyeen isticmaalkiisa kadib khatar Caafimaad oo lagala kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Talaalka Covid19 ee Shirkada AstraZeneca oo hada shixnadii u horaysay noociisa lageeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Dalal badan ay hakad galiyeen isticmaalkeeda kadib markii lagala kulmay Xanuun sababay in Dad badan ay ku Xanuunsadaan, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay talaalkaas.

Wadamo dhowra ayaa Dadkii lagu duray Talaakaan iyagoo markii hore caafimaad qabay ayaa waxay wajaeheen Caafimaad xumo sababay inay Komo galaan ama elerji ay ka qaadaan.

Dalalka Jarmalka, Faransiiska Isbaanishka, Denmark iyo Norway oo kamid ahaa Dalalkii soo iibsadey Talaalka AstraZeneca ayaa hada go’aansadey inay hakad lagaliyaan isticmaalkeeda.

Wadamada Ingiriiska, Biljam iyo Sweden caadi ayaa Dadka loogu talaalaa ilaa hada oo ma aysan joojin.

Barnaamijka COVAX oo ay hormuudka ka tahay Ha’ada Caafimaadka Aduunka WHO, waxaa lagu caawinayaa Wadamada soo koraya si ay u helaan Talaalka Civid19, Waxaana Barnaamijkaan lagu keenay Talaalka AstraZeneca Wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Ilaa hada macada inta ay gaarsiisan tahay khatarta Talaalkaan, Dadka kala kulmay waxyeelada ayaa hada baaritaan dheeraada lagu wadaa si loo ogaado sababta keentay in jirkoodu uu la falgaliwaayo Talaalkaan uuna waxyeelada ugaarsiiyay, Khatarta dhowr qof uu ilaa hada gaarsiiyey, waa Dhiig ku firma Maskaxda iyo Dad komo galay maalmo kadib markii ay qaateen Talaalkii kowaad ee AstraZeneca.

Talaadada kale ee Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ilaa hada so caadiya ayaa loo isticmaalaa.

Puntlandi.com Nairobi

10F5880E-0C06-4B8F-AD6E-EEB7B8A46997-800

The first shipment of just over 1 million Covax-funded AstraZeneca Covid-19 vaccines arrived in Kenya’s capital Nairobi on Tuesday as African countries ramp up their vaccine rollouts

The post Breaking News— Talaalka Covid 19 ee Soomaaliya la geeyay oo Wadamo badan ay joojiyeen isticmaalkiisa kadib khatar Caafimaad oo lagala kulmay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this