Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay awaamiir la xiriirta ka hortagga COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan looga hadlayay ka hortagga karoona fayrus kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho.

Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahan yahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna.

Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this