Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210315-192630.jpg?resize=

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa magaalada Hague ee dalka Holland ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, Maxkanadduna waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska.

FB_IMG_16158222328151041.jpg?resize=720%

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.

Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee maxkamadda, maadaama maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhageysiga.

Hadal jeedinta Mahdi Guuleed, kadib waxaa bilowday hadal jeedinta qareennada u doodaya Soomaaliya, oo hadda si toos ah u socota.

Madaxda Soomaaliya ayaa si toos ah muuqaal baahiyaha kala socda dhageysiga dacwadda, sidoo kale dad Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Maxkamadda, kuwaas oo dareenkooda ku muujinaya sida ay dalkooda u garabtaagan yihiin.

FB_IMG_16158256385934033.jpg?resize=720% FB_IMG_16158256849990412.jpg?resize=720% 20210315_183521.jpg?resize=720%2C405&ssl 20210315_183609.jpg?resize=715%2C405&ssl

PUNTLAND POST

The post Dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this