Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Laga Helay COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in laga helay Corona Virus.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan qoyska madaxweyne ku-xigeenka iyo ilaaladiisa gaarka laga helay COVID 19.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada waxa uu ku yidhi “waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah.

Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta oo xil wayn iska saartay caafimaadkayaga.

Alla Mahad Leh.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this