Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO: Dhageysiga dacwada Badda Soomaaliya oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

axaa Magaalada Hague ee Dalka Nederland ka bilaawday dhageysiga Kiiska dacwada badda Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa bilowday dhageysiga kiiskan iyadoo Kenya aysan qeyb gelin.

Maxkamadda ayaa shaacisay sida ay uga xuntahay maqnaanshaha Wakiillada Dowladda Kenya ku matalla kiiskan.

Khudbad uu madasha ka jeediyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed  Guuleed ayaa waxuu ku sheegay in Kenya fursado badan la siiyay.

Waxaa uu Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shaaciyay in Kenya ay xadgudub ku sameysay badda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba ka codsan Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda.

Waxaa uu intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ, islamarkaana ay ka war sugayaan go’aanka ka soo baxa Maxkamadda.

“Kenya waxaa ay markii hore ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa in ay meel cidlo ah ka sheegato badda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Mahad Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Guuleed ayaa ku eedeeyay Dowladda Kenya in ay hareermartay sharuucda u daggan Maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenyaa ayaa tiro sedex jeer waxaa laga aqbalay codsi ahaa dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda, balse Maxkamadda ICJ ayaa diiday codsigii afaraad ee ka yimid Dowladda Kenya.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn bilaawday dhageysiga kiiska badda iyadoo Kenya aysan ka qeyb gelin, waxaana haawanaya kuraastii loogu talagalay ergadii ka socday Dowladda Kenya.

 Ewh92N7WUAYBag_

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this