Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Dhageysiga dacwadda badda oo billaabatay ayadoo Kenya ay ka maqan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hague (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya arrintan.

Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Warkaan oo faah-faahsan la soco goordhow.

Hoos ka daawo muuqaalka dhageysiga dacwadda oo toos ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this