Deeq A. Posted March 15, 2021 Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in howl-galka uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya Saraakiil milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inat howl-galkaasi ku gubeen gaari Saaruf ah oo siday waxlaha qarxa. Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi kusii daray inay howl-galkaasi ku dileen wadihii gaariga oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi iyo qaraxa ay fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites