Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afar qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceel Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ku fuliyey illaa afar qof, kuwaas oo lagu eedeeyey fal basaasnimo ah.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaan goobta ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab & dadweyne kale.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ragga la toogtan ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo diyaaradeed & dilal ka dhacay gobollada Jubbooyinka iyo Baay ee K/ Soomaaliya.

Ragga la toogtay ayaa kal ahaa Axmed Cali Dhuxul oo 50 jir ahaa, Cali Cumar Axmed oo 42 sano jir ahaa, Aadan Duuble Xasan oo 59 jir ahaa iyo  Ibraahim Cimraan Hoorow.

Dhammaantood waxaa raggan lagu eedeeyey inay basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, islamarkaana ay fududeeyeeyn duqeymo diyaaradeed.

Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana bishii lasoo dhaafay magaalooyinka Jilib, Bu’aale & sidoo kale Ceel Cadde lagu dilay 14 ruux oo lagu eedeeyey inay ahaayeen jawaasiis, ayna hagayeen diyaaradaha dagaalka ay duqeymaha ka fuliya halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this