Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   
one-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka oo ka qabsoomay Hoyga Madaxweyne Deni ka deganyahay Muqdisho waxa labada mas’uul uga wada-hadleen xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxa kulanka looga hadlay sidii uu ku qabsoomi lahaa shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this