Deeq A. Posted March 15, 2021 Magaalada Hague ee dalka Holand maanta oo isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka Maarso 2021, waxaa lagu wadaa in ay ka bilaabato dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda, waxayna ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay. Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u fara badan ayaa saacado badan hortaagan dhismaha Maxkamadda, kuwaas oo rajo wanaagsan ka qaba natiijada Maxkamadda ICJ. “ Waxaan u rajeynayaa dacwadda la gelaayo inuu ilaahey nagu guuleeyo, dadka Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa in ay ku niyad samaadaan una soo duceeyaan,” ayuu yiri mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool dalkaas Holand. Ergada Soomaaliya uga qayb galeysa dhageysiga dacwadda badda oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed Khadar ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii Kenya looga soo dhicin lahaa Badda. Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa maxkamada ICJ. View the full article Share this post Link to post Share on other sites