Sign in to follow this  
Deeq A.

Haamihii Shidaalka Magaalada Dekedda Berbera Oo Qaar Ka Mid Ahi Fadhiisteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar Wargeyska Foore ka helay ilo-wareedyo rasmi ah, ayaa tibaaxaya in Haamihii Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera ay muddooyinkii ugu dambaysay ay qaar kamid ahi fadhiiyeen,kuwaas oo hadda aan muddo bilo ah shaqayn,isla markaana aan wax dayac tir ah lagu samayn.

Xoggahan oo Wargeyska Foore  ka helay illo wareedyo ku sugan Hargeysa iyo Berbera ayaa tibaaxay in Haamaha Shidaalka Berbera ee Dowladda oo tiradoodu dhantahay 10 hamood ah, haseyeeshee ay qaar kamid ahi fadhiisteen,isla markaana aanay shaqayn dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey.

Dhanka kalene Xogga ayaa sheegay in saddex kamid ah Haamaha Shidaalka Berbera ay fadhiyaan, kuwaas oo keliya la sheegay inay u baahan yihiin dayac tir kooban,haseyeeshee weli ma jirto cid u dhaqaaqday inay daca tirto si ay u shaqeeyaan,waxaana hadda si rasmi ah u shaqaynayey bilihii ugu dambeeyey toddoba 7 hamood oo qudha,kuwaas oo la sheegay inay iyaga qaarkood u baahan yihiin dayac tir deg deg ah, ma jiro war rasmi ah oo amuurta la xidhiidha oo kasoo baxay maamulka Haamaha iyo masuuliyiinta Xukuumadda,marka laga yimaado Xoggahaas.

Madaxweyne  Muuse Biixi  ayaa Digreeto uu saaray bishii ogos ee sannadkii 2018-kii  dib gacanta Dowladda ugu celiyey Haamaha Shidaalka Berbera oo ay xiligaa maamulayeen ganacsato isku tagtay oo loo soo gaabin jiray Magacooda BOG,waxaanu Madaxweyne Biixi maal-mo kadib uu Mareeyaha Haamaha shidaalka Berbera u magacaabay Xasan Embassy, kaas oo ilaa hadda haya xilkaas. Dhanka kalena Xogga aanu hellayo ayaa xusay in xiligii ay shirkaddii BOG ay gacanta ku haysay maamulka Haamaha Shidaalka Berbera ay si joogta ah u dayac tiri jireen haamaha, isla markaana sidii ay war-baahina ka sheegeen maalintii laga wareejinayey Haamaha in cadigii ay la wareegaan inay dayac tir ku sameeyeen Haamaha qaar oo markaas fadhiyey,waxaase xusid muddan inay ku wareejiyeen Xukuumadda 10 Hamood oo shaqaynaya, isla markaana aanay mid keliyi wax ka qabin.

Gunaanadkii labadii bilood ee ugu dambeeyey ayaa suuqyadda Magaalooyinka dalka laga dareemayey sar u kac shidaalka, iyadoo goobaha shidaalka lagu iibiyaa ay si joogta ah ilaa hadda u kordhinayaan mar marka ka dambaysa qiimaha lagu iibiyo halkii litir ee shidaalka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this