Sign in to follow this  
Deeq A.

Koofur Galbeed oo awaamiir ka soo saartay COVID-19 + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ay maanta magaalada Baydhabo ku yeesheen guddiga la socodka xaaladaha cudurka coronavirus ee Koofur Galbeed ayay ka soo saareen amaro cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka COVID-19.

Qodobada la soo saaray ayaa waxaaa ay kala yihiin;

  1. In bulshada lagu amray xirashada af-saarka (Face Mask) qofkii laga waayo lagu ganaaxi doono shan dollar
  2. In masaajidyada la seexan karin isla markaana meyd corona u dhintay la keeni Karin
  3. In ay la mamnuucay dhammaan kulamada, sida xafladaha, shirarka iyo wixii lamid ah
  4. Qofkii cudurka u dhinta waa in aaskiisa looga dambeeyaa wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed.
  5. Qofkii isaga shaki ama isku arka calaamadaha cudurka waa in uu si deg deg ah ula soo xiriiraa saraakiisha caafimaadka ama uu tagaa xarunta badqabka bulshada ee Koofur Galbeed
  6. Ugu danbeyn waxaa laga codsanayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka inay caawinaad deg deg ah la soo gaaraan Koonfur Galbeed.160924121_3974950339253698_8491117337750 159036664_3974950465920352_6137256374727 159217746_3974950599253672_8024309864363 159367849_3974950712586994_4112043460870

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this