Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma dhaqan-galeen awaamiirtii ay soo rogtay DF ee xakameynta Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aano culus oo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha wadanka Soomaaliya.

Xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aanadaasi ayaa sheegay inay dhaqan-geli doonaan wixii ka dambeeyey 15 bishan oo maanta ku beegan.

Wararka laga laga helayo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka ay bilaabeen fulinta awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku aadan xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Ciidamada ayaa qab-qabanayey dadweynaha la socda gaadiidka BL-ka, kuwa raaxada, mootooyinka Bajaajka & kuwa lugeynaya ee aan wadan Af-xirka.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Oline u sheegay in dadka qaar la weydiinayey sababta ay u soo qaadan waayeen Af-xirka, iyada oo qaarkood laga qaaday lacago ganaax oo dhan Shan Doller, taas oo uu soo rogay maamulka gobolka Banaadir.

Meelaha laga sameeyey howl-galkaas waxaa ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkeyne & kuwa kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this